RAADIN

Boggan waxaad ka heleysaa macluumaad ku saabsan sida Finland looga codsado megengelyo

income

Finland waxey mas’uuliyad ka qaaddaa megangelyo-doonyada iyo qaxootiga

Finland waxey qeybteeda ka fududeysaa culeyska soogalootiga ee saaran Koonfurta Yurub iyo Turkiga iyadoo qaabka wareejinta iyo dib-u-dejinta Midowga Yurub gudaheeda ah ku qaabileysa qaxootiga iyo megangelyo-doonka. Sidan ayeey Finland ka xubin Midowga Yurub ahaan ku qaaddaa mas’uuliyadda qaxootiga iyo megangelyo-doonka islamarkaasna wadajir ugu muujisaa wadamada dunida saddexaad. Sii aqri

Lacagta laga qaato Finland, maxey ku filan tahay?

Marka aad tahay megangelyo-doone waxaad heleysaa lacagta qaabilaadda, haddii aadan naftaada biilan karin. Ujeedada lacagta qaabilaaddu waa in laguu damaanadqaado dhaqaalaha nolosha ee aan laga maarmin mudada aad sugeyso go’aanka codsigaada megangelyada. Sii aqri

Dib u mideynta qoysku waxey ku dhowaad markasta u baahan tahay dhaqaalaha nolosha oo dammaanad-qaadan

Inta badan in qoyskaada loo ogolaado ogolaanshaha degitaanku waxey ku xiran tahay in uu ku soo galo dakhli ku filan nolosha qoyskaada ee Finland. Sii aqri

Codsiga xiriirka qoyska waxaa loo xareyn karaa si elekterikaal ah

Xubnaha qoyskaada ee xiriir qoys ku codsanaya ogolaanshaha degitaanka waa in ay ogolaanshaha degitaanka codsadaan kahor imaanshaha Finland. Codsiga waxaa lagu buuxsan karaa internetka. Si baaraandegista codsiga loo billaabo, waa in xubnaha qoyskaadu ay taganaan wakiilka dibadda ee Finand, kaas oo laga yaabo in uu ku yaalo wadanka ay deggan yihiin dibaddiisa. Sii aqri

Xaqa uu cunugga megangelyada doonka ah u leeyahay in qoyskiisa la keeno Finland

Kaddib go’aanka ogolaanshaha ah ee megangelyada, cunugga kayar 18 sano wuxuu xaq u leeyahay in uu codsado dib u mideynta qoyska. Sii aqri

Carruurta keligood yimaada Finland ee megangelyo-doonka ah waxeyn ku jiraan xaalad gaar ah

Megangelyo-doonyada 18 sano ka yar ee mas’uul la’aan yimaada Finland waxey helaan badbaadin gaar ah. Haddii loo baahdo, da’da waxaa lagu caddeynayaa baaritaan. Sii aqri

Bogga Asylum in Finland wuxuu macluumaad ku saabsan Finland u fidiyaa dadka megangelyo-doonka ah

Bogga shabakadda Asylum in Finland waxaa lagu ururiyay macluumaad ku saabsan Finland iyo hab-dhaqanka Finland ee megangelyo-doonka. Boggu wuxuu ku adeegaa Ingiriis, Carabi, Dari iyo Soomaali. Sii aqri

Sidee Finland looga heli karaa megengelyo?

Megangelyo waad ka codsan kartaa Finland haddii aad heysato sababo cad oo aad uga cabsaneyso in laguugu cadaadiyo dalkaada hooyo ama dalka aad sida rasmiga ah u deggan tahay. Sii aqri

Finland go’aanka megangelyada waxaa markasta la sameeyaan iyadoo loo sababeynayo si shaqsi ah

Codsi megangelyo oo kasta waxaa looga baaraandegayaa goonidiisa. Marka qiimeynta la sameynayo waxaa xisaabta lagu darayaa waxa aad sheegtay, caddeymaha aad soo bandhigtay, sababo gaar ah iyo caddeymaha ay ha’addu hesho. Sii aqri

Yaan xaq u laheyn megangelyada?

Shuruud cad ayaa loo qarriray helitaanka megangelyada. Megangelyo laguma helayo faqrinimo darteed. Sidoo kale heer bulsheed liita ama shaqo la’aan ma ahan sababo lagu bixiyo megangelyada. Sii aqri

Finland waxey u hogaansantaa khad lamid ah kan wadamada kale ee Midowga Yurub

Sharciga ajnabiga ee Finland shuruudaha ku qoran ee lagu bixiyo megangelyada waxey la mid yihiin kuwa ku qoran heshiiska Geneva ee ay Finland iyo wadamada kale ee xubnaha ka ah Midowga Yurub qawlqaadeen. Sii aqri

Isu keenista qoysku waxey quseeysaa oo kaliya qoyska rasmiga ah

Xubnaha qoyskaadu waxey xiriir qoys ku codsan karaa ogolaanshaha degitaanka ee Finland marka aad adigu codsigaada megangelyada ka hesho go’aan ogolaansho ah kaddib. Sii aqri

Codsiga xiriirka qoyska waxaa loo xareyn karaa si elekterikaal ah

Waxaad ogolaanshaha degitaanka Finland ee ku saleysan xiriir qoys uga codsan kartaa si elekterikaal ah cinwaanka enterfinland.fi. Codsiga elekterikaalka ah wuxuu weli u baahan yahay in la tago safaaradda Finland. Marxaladda codsiga elekterikaalka ah waa in lagala socdaa adeegga elekterikaalka ah. Sii aqri

Megangelyo waxaad ka codsan kartaa oo kaliya Finland- kama soo codsan kartid dibadda

Haddii aad dooneyso in aad Finland ka codsato megangelyo, waa in aad u soo safartaa Finland. Suurtagal ma ahan in dibadda laga soo codsado megangelyo. Sii aqri

Helitaanka go’aanka megangelyadu wuxuu qaataa inta badan waqti dheer

Marka aad codsiga megangelyada ku sameyso Finland waxaa laguugu hagayaa xarunta qaabilaadda oo aad ku sugeyso ka baaraandegista codsigaada. Shaqada baaritaanka iyo ka baaraandegista codsigu waxey qaateen bilooyin badan. Sii aqri

Finland kama jirto damaanadqaad megangelyo- u diyaargarow sidoo kale go’aan diidmo ah

Sanadihii ugu danbeeyay dad badan ayaaa Yurub u soo galay safar halis ah iyagoo aaminsan in ay helayaan megangelyo iyo shaqo, dhaqaale lacageed fiican iyo in marka dambe uu qoysku u imaanayo. Qaar badan ayaa qalbijabay markii wixii ay filayaan ay rumoobi weysay. Sii aqri

Waxaad heli doontaa kaalmo dhaqaale haddii aadan naftaada biilan karin

Cuntada, deegaanka iyo adeegyadu waa ku qaali Finland marka la barbardhigo wadamo badan. Isbarbardhigga cuntada Finland waxey wadamada Yurub uga jirtaa kuwa ugu horeeya. Sii aqri

Safarka megangelyo-doonka ee Finland wuxuu noqon karaa mid qaal ahi, nafsad ahaan adag islamarkaasna halis ah

Wadada megangelyo-doonku ku imaanayo Finland waa mid dheer oo inta badanna qaali ah. Safarada iyo ka gudbinta xuduudaha ee sharci darada ah waa kuwa inta badan jir ahaan iyo nafsad ahaanba culus, sababtoo ah waxaa la xiriira khataro waaweyn. Sii aqri

Megangelyo-doonku wuxuu xaq u leeyahay adeegyada aasaasiga ah

Adeegyada aad leedahay adigoo megangelyo-doon ah waxey ku saleysan yihiin sharci. Adeegyada aasaasiga ah ee aan laga maarmin waxaa qaabilsan xarunta qaabilaadda ee aad deggan tahay mudada ka baaraandegista codsigaada megangelyada. Sii aqri

Waa adagtahay in Finland lagu noolaado iyadoo aan la heysan ogolaanshaha degitaanka

Megangelo-doone ahaan waxaa kaliya oo aad xaq u leedahay in aad joogto Finland adigoo aan heysan fiiso ama ogolaanshaha degitaanka illaa iyo inta aad codsigaada megangelyada ka heleyso go’aan. Sii aqri

The content is not available in the selected language For the sake of viewer convenience, the content is shown below in the alternative language. You may click the link to switch the active language.

Sed posuere interdum sem

Sed posuere interdum sem. Quisque ligula eros ullamcorper quis, lacinia quis facilisis sed sapien. Mauris varius diam vitae arcu. Sed arcu lectus auctor vitae, consectetuer et venenatis eget velit. Sed augue orci, lacinia eu tincidunt et eleifend nec lacus.

Lorem ipsum ligula ut hendrerit mollis, ipsum erat vehicula risus, eu suscipit sem libero nec erat. Aliquam erat volutpat. Sed congue augue vitae neque. Nulla consectetuer porttitor pede. Fusce purus morbi tortor magna condimentum vel, placerat id blandit sit amet tortor. Mauris sed libero. Suspendisse facilisis nulla in lacinia laoreet, lorem velit accumsan velit vel mattis libero nisl et sem. Proin interdum maecenas massa Donec ultricies nisl ut felis, suspendisse potenti.