RAADIN

Boggan waxaad ka heleysaa macluumaad ku saabsan sida Finland looga codsado megengelyo

Finland waxey mas’uuliyad ka qaaddaa megangelyo-doonyada iyo qaxootiga

Dub-u-dejinta qaxootigu waxey quseysaa Suuriyaanka

Wadamada xubnaha ka ah Midowga Yurub waxey ku heshiiyeen in qaxootiga Suuriyaanka ah iyadoo laga soo qaadayo Turkiga dib-u-dejin loogu sameeeyo Midowga Yurub. Tani waxey quseysaa qaxootiga Suuiryaanka ah ee jooga Turkiga oo ay Hay’adda Qaxootiga ee Qaramada Midowday soo jeedisay in dib-u-dejin loo sameeyo. Qabanqaabada quseysa dibu-dejintu waa in Suuriyaan kasta ee laga celiyo Giriigga bedelkiisa ay Midowga Yurub Turkiga ka qaabisho hal qaxooti oo Suuriyaan ah.

Sida Finland oo kale, Jarmalka iyo Holland ayaa ahaa wadamadi Midowga Yurub ah ee ugu horeeyay oo qaxooti Suuriyaan ah ka soo qaada Turkiga. Finland waxey sanadka 2016 ballanqaaday in ay ka qaabileyso guud ahaan 600 oo qaxootiga qawiman ah oo Suuriyaan ah Turkiga, Lubnaan, Jordan iyo Waqooyiga Afrika.

Wareejinnada gudaha waxaa safka hore uga jira dadka megangelyo-doonka ah ee xaalad nugul ku jira

Golaha Midowga Yurub wuxuu go’aansaday isu geyn 160,0000 oo megangelyo-doon ah in labo sano gudohood wareejinta gudaha loogu sameeyo soonaha Midowga Yurub, ugu dambneyn Sebtembar 2017. Sida go’aanka ku cad waxaa mudnaanta hore leh dadka ku jira xaalad nugul.

Finland waxey nidaamka wareejinta gudaha ah ku qaabishay ku dhowaad kun megnagelyo-doon oo Giriigga iyo Talyaaniga laga soo qaaday. Codsiyada dadkan waxaa looga baaraandegayaa si lamid ah sida codsiyada dadka megangelyo-doonka ah ee yimid Finland. Codsade kasta waxaa si gaar ah looga baarayaa in uu isagu xaq u leeyahay in Finland laga siiyo badbaadin caalami ah.

Wareejinnada gudaha ah waxaa xaq u leh oo kaliya jinsiyadaha boqolkiiba 75 loo ogolaaday badbaadinta caalami ah (megangelyo ama ogolaanshaha degitaanka ee ku saleysan megangelinta derajada labaad), marka laga eego dhinaca soonaha Midowga Yurub. Dadka yimid Giriigga wixii ka dambeeyay gu’gi 2016 xaq uma lahan wareejinta jinsiyad kastaba ha ahaadaane.

Qaabilaadda qaxootiga iyo megangelyo-doonka ayeey Finland ku qaaddaa mas’uuliyadda islamarkaasna wadajir ugu muujisaa wadamada dunida saddexaad.

Ku sii aqri ingiriis
Finland bears its share of responsibility for asylum seekers

codsiga megangelyda Finland waa caawisaa
facebook twitter mail