RAADIN

Boggan waxaad ka heleysaa macluumaad ku saabsan sida Finland looga codsado megengelyo

Leila waxay ka tagtay Finland si ay ganacsi uga bilaabato Soomaaliya

Leila waxay Finland timid 90’kii waxayna eheed qaxooti Soomaali ah. Laba sano ka hor waxay go’aansatay in ay dib u noqoto waddankeeda dhalashada si ay uga sameyso shirkad iibiso qalabyada soo jiido quwadda qoraxda.  Hadda waxay shaqo siisaa qiyaas ahaan 30 dhallinyaro. Leila waxay tiri “Sababta aan ku soo noqday Soomaaliya waxaa weeye waxaan u maleynayaa in kani yahay ganacsi fiican, laakiin shaqo-siinta dhallinyarada xittaa waa muhiim.”  Qalabyadeeda soo jiido quwadda qoraxda waxay beeralayda ku caawiyaan inay biyaha ka soo dhuuqaan ceelasha si ay ku waraabiyaan beeraha.

Fiidiyowgaan wuxuu ka mid yahay mashruuc warbaahin, oo waxaa sameeyey Xarunta Wax Soo Saarka Wali Media oo ay maalgelisay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Finland 2017.

codsiga megangelyda dhaqaalaha nolosha shaqo
facebook twitter mail