RAADIN

Boggan waxaad ka heleysaa macluumaad ku saabsan sida Finland looga codsado megengelyo

Finland waxey u hogaansantaa khad lamid ah kan wadamada kale ee Midowga Yurub

Sharciga ajnabiga ee Finland shuruudaha ku qoran ee lagu bixiyo megangelyada waxey la mid yihiin kuwa ku qoran heshiiska Geneva ee ay Finland iyo wadamada kale ee xubnaha ka ah Midowga Yurub qawlqaadeen.

Wadamada xubnaha ka ah Midowga Yurub iyo Norway, Iceland iyo Switzerland waxaa qabanaya xeerka Dublin. Mabda’iisa muhiimka ah waa in hal dowlad ay baareyso codsiga megangelyada. Sida uu qabo nidaamka Dublin ka baaraandegista codsiga megangelyadu wuxuu quseeyaa dowladda xubinta ah,

  • ee uu joogu xubin qoyskaada kamid ah,
  • ee ku siisay adiga ogolaanshah degitaanka ama fiiso,
  • ee xuduudiisa dibadda aad uga soo gudubtay si sharci daro ah adigoo ka imaanaya wadan kale oo saddexaad,
  • ama aad horay uga codsatay megangelyo.

Haddii dowlad kale ay mas’uul ka tahay ka baaraandegista codsigaada megangelyo, codsigaada laguma baarayo Finland ee waxaa laguugu celinayaa dowladda ka mas’uulka ah.

Ku sii aqri ingiriis
Leaving an application unprocessed

Ku sii aqri Soomaali
Xeerka Dublin (PDF) In English

 

codsiga megangelyda sharci nidaambka Dublin
facebook twitter mail