RAADIN

Boggan waxaad ka heleysaa macluumaad ku saabsan sida Finland looga codsado megengelyo

Finland waa dal qurxoon oo qabow

”Marki aan imaadey Finland waxey aheyd xagaa, laakiin qabowgu aad ayuu u badnaa. Kaddibna waxaa yimid jiilaal, aanan weligey arkin. Lala yaabo ayuu ahaa. Qabowgu aad ayuu u darnaa.”

Sidaas waxaa sheegay nin Soomaali ah oo muddo dheer deganaa Finland. Waxba kama uusan aqoonin cimilada Finland marki yimid. Waayahan sawirada iyo fiidiyowyada ayaa degdeg ugu baaha shabakadda, laakiin wuxuu qabaa in cimilada Finland la fahmayo oo kaliya marka la arko.

Tusaale ahaan magaalada caasimadda ah ee Helsinki oo dhacda Koofurta Finland heerkulkeedu wuxuu ka hoos maraa bisha Janaayo celcelis ahaan qiyaasti 4 ee derajada Selsiyus (Celcius), laakiin mararka qaar ayuu hoos ugu dhacaa illaa iyo -25 derajada Selsiyus.

”Marki aan la kulmay jiilaalki megangelyo-doonyo markaas Finland yimid, waxey la yaabanayaa, sida saxda ah ee ay tahay in loo labisto. Waxey waayeen wax ku filan oo kululeeya”, waxaa sidaas xusuusta nin Kurdi asal ahaan ka soo jeeda oo deggan Finland.

Sida caadiga ah barafku wuxuu Finland yaalaa jiilaalka oo dhan, waqooyiga ayuu uga badan yahay Koofurta. Naag Ciraaq asal ahaan ka soo jeeda ayaa Finland timid beri uu jiray jiilaal baraf leh, markaas oo uu barafka gaaray illaa iyo jilbaha.

”Waxaan muddo saacad barkeed ah ku maqnaa magaalada si aan u soo fiirfiiriyo, marki aan guriga ku soo laabtayna waxaa igu adkaatay in aan gurigi helo, sababtoo ah meel kasta waxaa qariyay baraf”, hadda ayeey xusuusataa iyadoo dhoolacdeynaysa.

Bisha ugu kulul Finland waa Luulyo, markaas oo heerkulka Helsinki uu yahay celcelis ahaan +18 ee derajada Selsiyus. Waqti gaaban heerkulku wuxuu xagaaga gaari karaa +30 ee derajada Selsiyus.

Qabowga waxaa looga bixi karaa labis

”Qiyaas ahaan Afghanistan waxaa sanadkii ku jirta 300 maalmood oo qorax ah, waana xittaa la arkayaa qoraxda xilliga jiilaalka. Waxaan billowgi hore la yaabay sababta Finland qorraxda loogu heeso, halka annagu aan hooska ama harka ugu heesno. Hadda waan fahmayaa, waayo qorrax laguma arko jiilaalka Finland”, nin Afghanistan asal ahaan ka soo jeeda oo qoslaya ayaa sidaas yiri.

Caasimadda Finland ee Helsinki bisha Disembar maalintu waa shan saacadood. Waqooyiga Finland bartamaha jiilaalka qorraxdu marnaba ma soo baxdo, duhurkiina xittaa waa mugdi. Nin asal ahaan Soomaaliya ka soo jeeda ayaa sheegay in mugdigu uu saameyn ku yeesho caafimaadka dhimirka wuxuuna mugdiga u arkaa in uu ka xun yahay qabowga.

”Cimilada Finland waa mid aad uga duwan tii aan la qabsaday. Soomaaliya maalinta iyo habeenki waa kuwa ku dhowaad isle’eg, hawaduna runtii waa mid ka fiican tan halkan.”

Nin Afghanistan asal ahaan ka soo jeeda oo Finland deganaa toban sano ayaa aaminsan, in aan adduunka xaaladaha dalkan aad looga aqoonin. Saaxiibadiisa deggan Afghanistan waxaa ku adag in ay aaminaan mugdiga iyo qabowga halkan ka jira.

”Waxaan saaxiibadey telefoonka ugu sheegay in subaxdi marka aan shaqada aadayo ay mugdi tahay, saddexda galabnimo kaddibna ay haddana tahay mugdi. Waa ku adagtahay in ay aaminaan warkaas.”

Xagaaga iftiinka ah waa mid qurxoon

Finland waxaa jiilaalka mugdiga ah dheelitir u ah xagaaga iftiinka leh. Koofurta Finland habeennada bartamaha xagaagu waa qiyaas ahaan shan saacadood. Dhinaca waqooyi ee dalka iskaba dhaaf mugdiye ma lahan wax gudcur ah bartamaha xagaaga. Waxey qurxisaa xagaaga: bannaanka ayaad jaraa’di iftiinka dabiiciga ah ku aqrin kartaa saqda dhexe.

”Imaanshaheygi ka hor waxaa aqaanay oo kaliya, in deegaanada qaar ee Finland ku yaal ay sanadki barkiis mugdi yihiin halka qeybta kalena ay iftiin tahay. Maalmaha dhaadheer ee xilliga xagaagu waxey billowga hore sababi karaa hurdo la’aan, maadaama uusan jirku kala aqoonin marka ay maalin tahay iyo marka ay habeen tahay”, sidaas waxaa sheegay nin asal ahaan Kurdi ah.

Sida dad badan qabaan waxa loogu yeero habeenka habeen la’aantu waa qurux iftiinkana waa lala qabsanayaa. Waxeyse sababi kartaa dhibaatooyin la qabsasho oo la xiriira dhinaca diinta. Nin asal ahaan ka soo jeeda Afghanistan ayaa dib u xusuusanaya in sanadki hore uu Ramadaanku ku soo aaday taariikhda Hijiryada Muslimiinta mudadi u dhexeysay 6di bishi Juun illaa 5di Luulyo. Markaas Waqooyiga Finland qorraxdu marnaba kama dhicin Koofurta Finland habeenku wuxuu ahaa shan saacadood oo kaliya.

”Waxaan ahay Muslim, runtiina waa in aan dukadaa. Laakiin xagaagi hore aad ayeey u adkeyd. Waqtiga habeenka ah ee aad wax cuni karto aad ayeey u gaabneyd, sidaas ayuuna soonku u noqday mid aad u dheer.”

codsiga megangelyda
facebook twitter mail